Diiwaankan waxaa ku uruursan qaar ka mid ah gabayadii Dr. Cali oo ku saabsan arrimo kala duwan oo taabanaya nolosha iyo ko-bcinta dareenka bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo waayo kala geddisan iyo munaasabado kala duwan uu ka tiriyay.
Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar waa aqoonya-han soo ahaa bare jaamacadeed 1984tii illaa 1993dii. Wuxuu dalka dib ugu soo noqday bur-burkii kaddib, 1993, isaga oo ka soo shaqeeyay hawlo isugu jira samafalka, wacyi-galinta bulsha-da iyo waxbarashada. Markuu burburku dhacay waxa uu ka mid ahaa dadkii ka qaybqaatay dib u soo celinta waxabarashada dalka.
Wuxuu Dr. Cali ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacadda Muqdisho, taas oo uu guddoomiye ka ahaa 1997-2016, isagoo hadda ah xu-bin ka mid ah golaheeda maamulka. Dr. Cali ayaa hadda ah gud-doomiyaha hay'adda Bariga Afrika ee cilmibaarista iyo Horumarin-ta (DAD), wuxuuna sidoo kale la taliye u yahay tiro hay'ado ah oo ka shaqeeya waxbarashada iyo adeegga bulshada.
Dr. Cali wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Dalladda Waxbara-shada FBENS ee laga unkay Muqdisho sannaddii 1999kii, Wux-uu sidoo kale qayb ka ahaa aasaasiddii Golaha Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo uu 1995tii ilaa 1997dii u qaabbilsanaa xiriirka caalamiga ah.
Waxa uu sidoo kale sannadihii 1994tii, 1995tii iyo 1996dii ahaa Guddoomiyaha Xarunta Geeska Afrika ee Cilmibaarista iyo War-baahinta,
Dr. Cali waxa uu maktabadda Soomaaliyeed ku soo biiriyay buugaag daabacan iyo kuwo aan daabacnayn oo isugu jira taa-riikh, waxbarasho, shareeco iyo suugaan,