Showing all 2 results

Barashada Naxwaha Af Soomaaliga (Soma...

KShs3,200.00 KShs3,000.00
Daabacadda 2aad ee buuggan, oo la sii tifaftiray waxna lagu kordhiyay, ujaaddadiisu waxay tahay in uu sharraxaad ballaaran ka bixiyo waxyaabaha gundhigga u ah naxwaha guud ee uu af yeelan karo, gaar ahaanna af Soomaaliga. Qayb walba ee ka mid ah naxwahana waxaa raacsan layliyo fududaynaya fahamkeeda. Qaybta dambe ee buugga ayaana ku qoran furaha layliyada. Buuggaan waxaa looga talaggalay ardayda dugsiyada sare iyo macalliimiinta af Soomaaliga dhigta; waxaana ka faa’daysan kara dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo ciddii kale danaynaysa in ay wax ka ogaadaan naxwa af Soomaaliga. Intaas ka sokow, buuggani wuxuu waxtar u yeelan karaa cidda baranayasa cilmi-afeedka ama dadyowga Soomaaliyeed ee doonaya koruqaadidda barashada afkooda iyo dhaqankooda.

Afka Hooyo Waa Hodan (Somali Edition)...

KShs2,500.00 KShs2,000.00
Biyo-culusta buuggan daabacaaddiisa labaad waa dhawr qodob oo iskaashanaya ama isbuuxinaya oo kala ah: qiimaha afka iyo ahmiyaddiisa, heerarkii sooyaalka qoraalka farta Soomaaligu soo martay, isirro afka madhxintiisa u taagnaa xilligii aanu qornayn, hodantinnimadiisa ka marag kacaya oo dhinaca tarminta iyo tayada ereyadiisa qaabbilayey, meerisyo gabay oo sidii maahmaahda u dhaqan galay, gabay-ku-maahmaahyo beyd ama beydad aynu u bixinnay, maanso-ku-sheekaynta suugaaneed, doorarka iyo xaaladaha shibbaneyaasha labanlaabma, isrogrogga iyo macneyaal kala duwan oo ay sameeyaan ereyada il, far, dheg, iyo af, qabyada qoraalka afka Soomaaliga iyo raadadka afafka qalaadi ku yeesheen afka Soomaaliga, gaar ahaan Carabida, Ingiriisida, Talyaaniga, iyo kuwo kale. Ugu dambayntii waxa uu buuggu isweydiinayaa in af Soomaaligu badbaadi karo!