Buuggan, aqoonta uu xambaarsan yahay iyo qoriddiisaba waxaa iska lahaa Allaha น naxariiste Aabbahay Prof Maxammed Cabdi Maxammed oo dadka badankiis u yaqiin Prof Gandhi. Prof Gandhi waxa uu buuggaan aruurinayey, qorayey kuna waday cilmibaaris in ka badan 40 sano. Nasiibxumo intii uu buugga qoraalakiisa iyo iskudubbaridkiisa ku dhex jirey ayaa tii Ilaahay u timid oo wuxuu sannadkii 2021 ki kii ku geeriyooday/magaalada Besancon ee waddanka Faranstiska, halkaas 00 uu daganaa ilaa iyo intii uu waxbarashada ku yimid Waxaan ahaa shaqsi aad ugu dhow aabbahay, saaxiibna lahaa, sidaas darteed hawlihiisa oo dhan wuu ila socodsiin jirey. Waxaan si dhow ula socday hawsha buuggaan, taariiqdiisa iyo waqtigii aadka u badnaa ee uu aabahay galiyay. Ka dib markuu dhintay, Ilaahey ha u naxariiste, ayaan go’aansaday in howshii uu waday aysan noqon mid isaga raacda. Waxaan g’aansaday in aan fuliyo ballantii uu naftiisa ka qaaday ee ahayd in uu aqoontiisa iyo waaya’aragnimadiisa uga faa’iidaysto in uu bulshadiisa wacyigeeda kor u qaado. Buuggaan oo ujeeddadiisu tahay in jiilalka soo socda, iyo kuwa hadda joogaaba ay ka faa’iidaystaan, waxaan go’aansaday dhammaadkii sannadkii 2021kii in aan bilaabo shaqadiisa ah ururintiisa, sixiddiisa iyo dib-u-habayntiisa si loo daabaco. Inkasta oo aan is lahaa hawsha isku dubarridku wax yar un bay qaadanaysaa, haddana muddo saddex sano ah ayey igu qaadatay oo waxay soo gabagabowday dhamaadkii 2024tii. Waxaan rajaynayaa aqristow in aad buuggan ugu dhex tagto waxyaabo badan oo aadan hore u ogayn oo muhiimad weyn u leh aqoonsigaaga qofeed iyo kan bulshadeed.
QUICK DELIVERY
Swift dispatch
ONLINE PAYMENT
Multiple options
EXPERT SUPPORT
Help when you need it
WIDE VARIETY
Thousands of books
GLOBAL SHIPPING
Worldwide delivery








































Reviews
Clear filtersThere are no reviews yet.